Hordhac
U-Gogol-Xaadhka Xukun-Daaddejin Ka Hirgasha Somaliland
Warbixin gaar ahaaneed oo Akaademiga (APD)
iyo Hay'adda Interpeace ka soo wada saareen Xukun-daaddejinta Somaliland
Doorashadii ay shacbiga Somaliland doorteen 332 xubnood oo Golayaasha
degaanka ah bishii Diisambar ee 2002dii, ayaa waxay markii ugu horreysay
ifka u soo saartay xukun-daaddejin dhab ah oo ka hirgasha dalka
loo aqoonsan yahay in uu ugu deggan yahay uguna horumarsan yahay
geyiga Soomaaliyeed. Tan iyo markii Axdi-Qarameedkii ugu horreeyay
lagu oggoolaaday Shirweynihii Boorame ee 1993kii , dalku wuxu u
darbanaa in uu dhaqan geliyo xukun-daaddejin heer sare ah. Hayeeshee,
in kasta oo xukuumaddii ka soo doogtay dagaalladii sokeeye ama xiisadihii
hubeysnaa ay tallaabooyin ididiilo leh ka qaadday sidii ay u dhisi
lahayd hay'adaha dawladeed iyo habab cashuuraha lagu soo xereeyo,
haddana waxa hubaal ah in ay ka gaabisay sidii xukun-daddejin dhab
ah loo samayn lahaa.
Ilaa iyo 1991kii, Xukuumadda ayaa magacaabi jirtay dhammaan Guddoomiyayaasha
Degmooyinka iyo Gobollada ee dalka, xataa intii ka danbaysay oggolaanshihii
taariikhiga ahaa ee Dastuurka Qaranka shacbigu sida aqlabiyadda
ah ugu codeeyeen. In kasta oo ay Xukuumaddu ku doodi jirtay in kala
qaybsanaanta qabyaaladeed shacbiga ka joogto sidii ay madaxdooda
u soo dooran lahaayeen, haddana dad badan oo siyaasadda indho-indheeyaa
waxay aamminsanaayeen in aanu hoggaanka siyaasadeed doonayn in xukunku
farahooda ka baxo. Iayad oo ay doodad Xukun-daaddejintu socotay,
ayay haddana nabaddii degellada qaarkood ka hana-qaadday u saamaxday
in ay cashuur qaadaan iyaga oo shacbiga iyo shirkadahaba kaashanaya
si u gutaan waajibaadka ijtimaaciga ah ee saran sida: adeegga guud,
daryeelka caafimaadka, waxbarashada aasaasiga ah, laydhka, biyaha
iyo is-gaadhsiinta. Degaammada tallaabooyinkaa hor bilaabay waxa
ka mid ah: Awdal, Hargeysa iyo Saaxil.
Iyada oo ay weli hoggaamiyayaasha Degaammada xisaabtan ka dhexeeyo
Xukuumadda Dhexe ayaa haddana hannaankii maamul u muuqdaa mid ku
biyo-shubanaya urursanaantii talada ee Xarumaha Dhexe ama sareba.
Sidaa awgeed ayay hoggaamiyayaasha Degaammadu inta badan uga cawdaan
xaalado sharciyeed oo aan si fiican oo cad u qeexnayn, musuq-maasuq
baahay iyo hawl-wadeenno aanay xirfaddooda iyo aqoontooduba fiicnayn.
Si ay haddaba Golayaasha Degaanka ee cusub ee la soo doortay uga
gudbaan carqaladaha deriska la noqday, APD/WSP Shirweynihii ay qabanqaabiyee
Noofambar 2004tii ayaa 'XUKUN-DAADDEJINTA' loogu xushay mowduuc
lagu sameeyo cilmi-baadhis qoto-dheer si loo kaabo geedi-socodka
dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
Ujeeddada guud ee mashruucan cilmi-baadhistu waxay ahayd sidii
Xukuumadda Somaliland, Golayaasha Degaanka ee cusub iyo jilayaasha
kale ee waddaniga ahba looga gargaari lahaa sidii ay u xoojin lahaayeen
geeddi-socodka Xukun-daaddejinta iyada oo: la dejinayo geedaanka
sharciyeed, la bixinayo tababarrada hoggaamineed ee lama-huraanka
u ah Golayaasha Degaanka (Kuwaas oo ay iska kaashadeen APD iyo UN-Habitat),
la aloosayo qorshayaal istaraatejiyadeed, la horumarinayo ka-qayb-galka
dadweynaha ee hawlaha Golayaasha Degaanka ee cusub.

ARRIMAHA MA-DHAAFAANKA AH
In kasta oo hay'adaha aasaasiga ah ee dawladeed ay jireen markii
doorashooyinka Degaammada la aloosayay 2002dii, haddana waxa jiray
maamul kala dhantaalan oo heer walba ah, taas oo ay sii dheereyd
Dawladaha Hoose oo aan xidhiidh qeexan la lahayn Dawladda Dhexe.
Waxa kale oo intaa weheliyay la'aanta siyaasado iyo tusmooyin dibuhabayntii
loo baahnaa lagu hirgeliyo si loo kordhiyo dakhliga Golayaasha degaanka
ee cusub si u ballaadhiyaan adeegyada bulsho. Muran laxaad leh iyo
is-maan-dhaaf cirka isku shareeray ayaa is-na wuxu ka dhex jiray
hoggaamiyayaasha degaammada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyaga oo
isku hayay magacaabista iyo xil-ka-qaadista Xogyayaasha Dawladaha
hoose kaas oo awood la yaab leh ku leh arrimaha maamul iyo dhaqaale
ee Dawladaha Hoose.
Arrin kale oo mudnaanteeda iyo murugsanaanteedaba lahayd waxay
ahayd awood-qaybsiga iyo doorarka ay kala yeelanayaan: Dawladda
dhexe, Gobollada iyo Degmooyinku iyo kala-xadaynta sohdimaha u dhxeeya.
Su'aalo badan ayaa laga soo jeediyay sharciyada iyo awoodaha Golayaasha
Degaanka ee cusub maa daama ay xil-gudashadoodu ku koobnayd magaalooyinka
- sidaana lagag baaqday xil-gudashada iyo hanashada degaammo badan
oo magaalooyinka ka baxsan. Arrintan waxa sii murgiyay Degmooyinkii
badnaa ee la iska daba magacaabayay iyada oo uu reer waliba aqoonsi
raadinayay iyo maal-gelin uu ka helo Dawladda Dhexe.
Arrinta mus-danbeedka (constituency) ayaa iyaduna mushkilad kale
ahayd. In kasto oo ay cod-bixiyayaashu u codayn karayeen musharrixiintooda,
haddana cid waliba isuma ay taagi karayn doorashada, ma daama qaddarin
iyo tix-gelinba ay lahaayeen hadba ciddii Degaankaa ka soo jeedda.
Taasi waxay keentay in muwaadiniin qarniyaal meel deggenayd aanay
fursad ay iskaga sharraxaan meeshaa helin.
Dhinacyo badan marka laga eego, farsamo iyo waayo-aragnimo ahaanba,
Xubno badan oo Goleyaasha Degaanka ka tirsan ayaa la is-weydiiyay
xil-qaadkooda iyo xil-gudashadoodaba. Waxa aad iyo aad u baahay
aqoonsiga la aqoonsaday in aanay Golayaasha Degaanku xilalkooda
gudanayn taas oo meelaha qaarkood ka dhalisay in dadkii soo doortay
ay sugi waayaan in maaro loo helo oo ay iyagu gacantooda xilalkii
kaga xayuubiyeen oo ay kala direen Golahoodii degaanka. Xubno badan
oo Goleyaasha Degaanka ka mid ah ayaa tartan la galay Guddoomiyayaashii
ama Maayarrada Golayaasha taas oo dhalisay xil-ka-xayuubin sadhaysay
Goleyaashii Degaanka oo dhan. Waxa kale oo jirta iyaduna in haweenka
laga ilaaliyay in ay soo galaan Golayaasha Degaanka. In ka badan
300 oo Xubnood oo ka tirsan Golayaasha Degaanka laba keliya ayaa
haween ka ah.

HAWL-GALLADA
Markii ugu horraysayba iyada oo la adeegsanayo madal wadaag ah
waxa lagu tallaabsaday in la dhiirri-geliyo doodda laga yeelanayo
arrimo door ah oo saamayntooda ku lahaa hawl-galka iyo milgaha wax-qabad
ee Golayaashii Degaan ee cusbaa ee la soo doortay. Geeddi-socodkaa
waxa hoggaaminayay koox-hawleed ka koobnayd 15 xubnood kuwaas oo
ka kala socday ama ka kala tirsanaa: Saraakiil heer Qaran iyo heer
Degaanba ah, Xildhibaanno Golayaasha Qaranka ka socda, Culimada
Diinta, Ururrada rayidka ah, Madax-dhaqameedyo, Haween iyo qaybo
kale oo bulshada ka mid ah. Danayntii ugu mudnayd ee Koox-hawleedku
waxay noqotay dibu-eegista Qabyada laba Xeer oo saamayntooda ku
leh hawl-galka Golayaasha degaanka: Xeerka 23aad ee Gobollada iyo
Degmooyinka iyo Axdiga Caasimadda Hargeysa. Waxa kale oo ay Koox-hawleedku
ku heshiisay dareerinta xeer-doceedyo (Bylaws) lagu hago hawl-gallada
iyo wax-qabadka Golayaasha Degaanka.
Intii u dhexaysay Maarj 2004tii ilaa Abril 2005tii Akaademiyaddu
waxay toddoba waab-hawleed ka qaban-qaabisay Hargeysa, Ceeri-gaabo,
Boorame iyo Burco si loo maareeyo arrimo door oo ku taxnaa ama la
xidhiidhay Xukun-daaddejinta iyo sidii sharciyeed loogu samayn lahaa.
Waab-hawleed kasta waxa ka qayb-galay 40 ilaa 60 qof oo isugu jiray:
Xubno Golayaasha degaanka ah, Xildhibaanno iyo dad kale oo masilayay
qaybaha kala duwan ee mujtamaca. Isla xilliyadaa APD iyo UN-Habitat
waxa kale oo ay wadajir u qaban-qaabiyeen 12 Waab-hawleedyo tababar
ah oo loo qabtay Golayaasha Degaanka ee toddoba magaalo oo Somaliland
ah, kuwaas oo ay ka soo qayb-galeen ilaa 150 Xildhibaan oo Degaammada
ka tirsani. Waxyaabaha ugu mudnaa ee ay tababarrada ku qaadanayeen
waxa ka mid ahaa: Maamul-wanaagga, dejinta qorshayaasha wax-qabad
iyo istaraatejiyadaha, maaraynta xiisadaha, Qorshaynta Wadaagga
ah iyo arrimo kale oo xiisahooda iyo xasaasiyaddoodaba lahaa.
Waxa kale oo lagu tallaabsaday kormeerro lagu tegay goobaha ay
shaqadu ka socoto ee gobolada qaarkood sida: Sanaag, Togdheer iyo
Awdal. Koox - hawleedku wuxuu qaban qaabiyay laba doodood oo loogu
talo galay in hay'adaha wadaniga ah iyo bulshada rayidka ahi ay
fursad ugu helaan ay ra'yigooda kaga dhiibtaan xukun-daadejinta.
Dooda hore waxay ku saabsanayd waayo-aragnimadii laga korodhsaday
doorashooyinkii 2002 dii. Dooda labaad waxay ku saabsanayd hay'ada
biyaha ee Boorame iyo markii shirkad gaar ahaaneed laga dhigay qaabkii
ay u hawl gashay.

GUULAHII LA GAADHAY
Hawl-galo badan oo lagu tallaabsaday oo ay ka mid ahaayeen qaban-qaabinta
madasha doodda madaniga ah, tababarrada Xubnaha Golayaasha Degaanka
iyo dib-u-habaynta shuruucda ka dib, Akaademiyaddu waxay door fiican
ka ciyaartay sidii dadweynaha loogu faafin lahaa xukun-daadejinta
iyo hogaamiyayaasha qaran ee go'aan-qaadashadoodu saameynta ku leedahay
dalkan iyo dadkan. Labadii sannadood ee ugu dambeeyay guulaha la
xaqiijiyay waxa ka mid ah:
- Dib-u-habayntii Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka: tan iyo samayntiisii
bilowgii 2004tii Xeerka 23aad wuxuu halbowle u noqday doodda ka
taagan habka ay dawladda dhexe ula xidhiidhayso Golayaasha Degaanka.
Taasi waxay ku daddejisay koox-hawleedkii in uu dib u eego Qabyadii
Xeerka si Golaha Wakiillada loogu diyaariyo Qabyo intii hore ka
hufan. In kasta oo aanu Xeerkaasu ka gudbin Golihii hore ee Wakiilada,
Juulay 2006dii ayuu Golaha cusubi oggalaaday isaga oo dib-u-habayn
iyo wax-ka-beddel ku sameeyay. Golaha Guurtida ayaa is-na bishii
October 2006dii dib u eegay ka dibna ansixiyay X xeerkaasi,
- Dib-u-habayntii Axdiga Caasimadda Hargeysa: iyada oo la raacayo
qabyadii xeerkii UN-Habitat soo samaysay ee Caasimadda ee Wasaarada
Arimaha Guduhuna dib u eegtay, koox-hawleedku isaga oo dib u habayn
ku sameeyay Qabyada Axdigaas ayuu u gudbiyay Guddi-hoosaadka Arrimaha
Gudaha ee Golaha Wakiillada. Maanta, Axdigaasi wuxuu ka mid yahay
22tan mashruuc Xeer oo hor yaalla Golaha Wakiillada ilaa maantana
aan loo qaban waqti laga dodo,
- Samaynta Xeer-hoosaadyo midaysan: Afar sannadood ka dib markii
la doortay Goloyaasha Degaanka ee Somaliland ma laha Xeer- hoosaadyo
midaysan oo ay ku shaqeeyaan. Bishii Meey 2005tii Koox-hawleedku
wuxuu qaban-qaabiyay taxane waab-hawleedyo ah oo xubnaha Goloyaasha
Degaanka iyo bulshaduba ay ra'yigooda isugu geynayaan si wareegto
Wasaaradeed loogu soo saaro Xeer-hoosaad midaysan. Ayaandaro,
hawshaas waxa hadheeyay doorashooyinkii Golaha Wakiillada oo sababay
in aanay wax natiijo ahi ka soo bixin,
- Waab-hawleedyo dib loogu habaynayay Xeerar: Ujeeddooyinka Barnaamajyada
Akaademiga waxa ka mid ah in dadweynuhu ka qayb qaataan diyaarinta
xeerarka inta aanu Golaha Wakiilladu oggolaanin. Horraantii 2005tii
Akaademiyaddu waxay qaban-qaabisay laba waab-hawleed oo talooyin
lagaga soo jeediyay Xeerka Habaynta Dhulka. Talooyinkaa la soo
jeediyay waxa ka mid ahaa samaynta Xeerar loo raaco sida dhulka
loo isticmaalayo iyo komishan dhulka qorsheeya. Ilaa Abril 2006dii
laba Guddi-hoosaad oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa APD la
soo xidhiidhay si shirar iyo doodo loogu qabto,
- Tababarkii Golayaasha Degaanka qaarkood: Tan iyo intii ay UN-Habitat
kula bahowday hirgelinta Barnaaamjak Is-xukunka Wanaagsan, Akaademiyaddu
kaalin muuqata ayay ka gashay tababarkii Golayaasha cusub ee Degaanka
qaarkood, iyada oo barnaamajyadaa ka fulisay: Ceeri-gaabo, Burco
iyo Hargeysa. Waxa kale oo Golayaashaa Degaanka lagu tababaray
sida loo sameeyo Qorshaynta Wadaagga ah iyo Maareynta Xiisdaha.
Si tababarradan loo hirgeliyo
- Akaademiyaddu iyada oo kaashanaysa Jaamicadaha Cammuud iyo Hargeysa
waxay tarjunntay 14 Buug oo la xidhiidhay xilaka kala geddisan
ee Xildhibaanka Golaha Degaanku guto. Akaademiyaddu waxa kale
oo ay samaysay Riwaayad
muddo saacad ah soconaysay oo is-xukunka wanaagsan ku saabsanayd
oo toddoba magaalo lagu soo wareejiyay iyada oo dadka daawaday
lagu qiyaasay 2,500 oo qof.

WAAYO-ARAGNIMADII LA KASBADAY IYO TALO-BIXIN
Hawl-galladii Akaademiyaddu ka wadday Xukun-daaddejintu waxay xusuus
iyo baraarujinba u ahaayeen hoogaamiyayaasha Somaliland, iyaga oo
mar walba xusuusinayay hawsha qabyada ah iyo baahida loo qabo in
ay Golayaasha cusub ee la soo doortay ku sooraan xil-qaad maamul
oo inta maanta jirta ka durugsan amba kaba ballaadhan. Iyadoo ay
maqan yihiin xeerarkii aasaasiga ahaa ee xil-gudashadooda qeexi
lahaa, waxa loo baahan yahay in la kordhiyo awooddooda dhaqaale
iyada oo ay dawladda dhexe u xawilayso dhaqaale ay ku ballaadhiyaan
saldhiggooda cashuureed. Waxa hubaal ah in aanay xukun-daaddejintu
ku tamarinayn hadal afka baarkiisa ah iyada oo in badani ay daba
joogto dano ay leeyihiin oo dib u dhigaya geeddi- socodkaa.
Waxa cad in xukun-daaddejin ka hirgasha Somaliland ay u baaahan
tahay dhalan-rog laxaad leh oo lagu sameeyo dhaqanka siyaasadeed
ee dalka ka jira si loo hawl-geliyo dadweynaha iyo qaybta gaar ahaaneed
ee dhaqaalahaba. Wax badan kumay qaadan shacbiga reer Somaliland
inay xaqiiqsadaan in Goloyaashooda degaanku ay noqdaan qaar dadka
iyo dalkaba dan ka leh oo aan u ordeyn oo keliya lacag iyo shaqo
ay helaan. Waayo-aragnimada ka soo baxday Golayaashii Degaanka ee
la doortay ayaa waxay tahay in ay dadku u hanqal taagayaan in ay
xisbiyadu doorashada 2007da soo xulaan xubno kuwii hore ka tayo
fiican iyadoo isla markaana Guddida Doorashooyinka ee Qaranku ay
hubinayso sidii loo shaandhayn lahaa.
Mashruucii tababarka ee UN-Habitat/APD ee Golayaashu Degaanku wuxuu
ina baray in loo baahan yahay xubno degaan oo aragti dheer, la tababaray
oo xilkas ah. Akaademiyaddu waxay sii wadi doontaa sidii ay u kobcin
lahayd taakulaynta caalamiga ah iyo ta gudahaba si loo xaqiijiyo
loona dhaqan-geliyo tababarro ku wajahan: siyaasad-dejinta, miisaaniyada,
hababka dhaqaale, keydinta iyo hawl-gallada kale ee lagama-maarmaanka
u ah dawladaha hoose. Mustaqbalka dhow Akaademiyaddu waxay sii wadi
doontaa sidii ay taageero farsamo ugu taakulayn lahayd dawladda
Somaliland si loo qorsheeyo hab iyo hannaan qeexa kaalinta dawladaha
hoose iyada oo lagu kaabayo tilmaan qeexan oo ku wajahan dhismayaasha
dawladaha hoose iyo xilqaadkooda. Akaademiyaddu waxa kale oo ay
ku dedaali doontaa in ay la hawl-gasho Golaha Wakiillada si dib-u-habayn
loogu sameeyo xeerarka ku wajahan xukun-daaddejinta, dhaqaalaha,
cashuuraha iyo arrimaha dhulka.
» Executive Summary
in English
» Full Report (english,
1,1 MB) 
» Home

|