Hordhac

U Codaynta Nabadda

SIDII AY SOMALILAND UGU GUULAYSATAY DOORASHADII GOLAHA WAKIILLADA MARKII UGU HORREYSAY MUDDO 35 SANNADOOD AH

29kii bishii Sebtember sannadkii 2005tii markii dadweynaha Somaliland ay ku guulaysteen in ay doortaan Golahoodii Wakiillada ee u horreeyey, waxay arrintaasi soo gebo-gebeysay qaybtii u dambeysay ee lagaga digo-roganayay habka Beelaha awoodda lagu qaybsado ee loo guuraayay habka siyaasadda xisbiyada badan. Waxa kale oo ay arintaasi ku soo kordhisay Somaliland ku-dhaqanka habka dimuqraadiyadda iyo tartanka axsaabta badan.

Haddaba, ilaa markii la qabtay doorashooyinkii Golayaasha Degaanka bishii Diisambar 2002dii iyo tii Madaxeynaha Abriil 2003dii, waxa muuqatay in aanay dhammaystirmin digo-rogashada ay Somaliland ugu guurayso nidaamka xisbiyada badan ee dimuquraadiga ah. Digo-rogashadaasi waxay suuro-gal noqonaysaa marka ay Xisbiyada Mucaaradka ahi masilaad ku yeeshaan Golaha Wakiillada. Inta ay sidaa tahay ee aanay xisbiyada Mucaaridku masilaad ku lahaym Golaha Wakiillada waxa iska cad in ay Somaliland tahay meel Xisbi keli ahi ka shaqeeeyo oo uu talada dalka hayo. Haddaba, marxaladdaa xaasaasiga ah ee qaybtan danbe ee kala-guurka dimuqraadiyadeed la haweysanayaa, waxay dhalisay in doorashadii 2005tii ay is-kaashadaan siyaasiyiinta Somaliland, hay'adaha bulshada rayidka ah iyo hay'adaha caalamiga ah ee ay muddada dheer xidhiidhka lahaayeen.

Iyada oo maskaxda lagu hayo mudnaanta ay doorashooyinkaasi u leeyihiin nabadda Somaliland ayaa Hay'adda Interpeace oo markaas la odhan jiray WSP iyo Akaadamiga Nabada iyo Horumarka ee Somaliland oo ay is-bahaysi leeyihiin, ayaa waxay la xidhiidheen hoggaamiyaasha Somaliland si ay ugala shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka sidii seeska loogu dhigi lahaa doorasho xor ah oo loo siman yahay. Akaademiga Nabada iyo Horumarka ee Somaliland oo hore uga qayb-qaadatay magac iyo maamuusna ku yeelatay geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland laga soo bilaabo aftidii dastuurka ee 2001dii ayaa looga maarmi waayay inay noqoto madal lagu marti-geliyo wada-hadallada iyo wada-tashiyada siyaasadeed si loogu diyaar-garoobo doorashooyinka Golaha Wakiillada.

Bishii Maarj sannadkii 2004tii isaga oo Akaadamigu kaashanyo mashruucii WSP ee Doodda Nabadeed (Dialogue for Peace) ayuu bilaabay in uu ku taageero Guddida Doorashooyinka Qaranka, xukuumadda Somaliland, xisbiyadii siyaasadeed iyo jilayaasha kale ee heer Qaran iyo heer degaanba ah, sidii loo hubin lahaa inay doorashadu ku qabsoonto si xor ah, loo siman yahay oo nabadeed. Ujeeddooyinka laga lahaa mashruuca wada-tashiga waxa ka mid ahaa: in dadweynaha loo qabto dood si ay cadaadis u saaraan siyaasiyiinta oo aanay ka leexan hilinka habka doorashada iyadoo lagu kaabayo Golaha Wakiillada aqoon, farsamo iyo garsoor sidii ay u soo saari lahaayeen Xeerka Doorashada ee lagama maarmaanka ah iyada oo loo furayo wada-hadal saddexda xisbi Qaran si ay isula meel-dhigaan arrimaha ay ku kala qaybsan yihiin. Wada-hadalladaa saddexda Xisbi Qaran oo muddo socday waxa ka soo baxay ugu danbayntii Xeerka Anshaxa Doorashooyinka (Code of Conduct) kaas oo lagu baahiyay dadweynahana lagu gaadhsiiyay qalabka war-baahinta.

Bishii Noofambar sannadkii 2004tii ayaa kulan Qaran oo ay APD/WSP ku qabteen Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay 80 Ergo oo ka kala socday Dawladda dhexe, Dawladaha Hoose, labada aqal ee Baarlamaanka, Ururrada Rayidka ah iyo ciddii kale ee danaynaysayba si ay u ansixiyaan in Doorashada Golaha Wakiilladu ay tahay arrin muhiim u ah aayaha siyaasadeed iyo deggenaanshaha Somaliland, sidaa darteedna ay noqonayso mowduuc cilmi-baadhiseed oo Akaademigu ka hawl-galo.


ARRIMAHA MA-DHAAFAANKA AH

Doorashada Golaha Wakiillada ee Somaliland siddeed iyo tobankii bilood ee loo diyaar-garoobayay waxa la soo gudboonaaday dhawr arrimood oo xaasaasi ah oo halis geliyay alooska iyo qabashada Doorashooyinkaa. Arrinta ugu mudnayd waxay ahayd iyada oo aan la hayn Xeerkii Doorashada ee saamiga kuraasida loogu kala qaybinayay lixda gobol ee Somaliland. Sar-goynta iyo xadaynta saami-qaybsiga kuraasida ayaa qas, wareer iyo kala-qaybsanaanba dhex dhigtay Golihii Wakiillada tan iyo 2001dii. Waxa kale oo jirtay in Ururrada bulshada rayidka ahi ay si adag ugu ololeen sidii Xeerka Doorashada loogu qoondayn lahaa kuraasi gaar ah oo loo keydiyo Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay sii uu Golaha Wakiilladu u noqdo mid dadka oo dhami ka dhex muuqdaan. Caqabadda kale ee doorashada hor-taagnayd waxay ahayd Degaammada Sool iyo Sanaag-bari, halkaas oo ay ka taagnayd xaalad cod-bixinta carqalad ku ahayd. Dhibaato kalena waxay ahayd meelaha laga codaynayo iyo tiradooda, taas oo musharraxiinta, madax-dhaqameedyada iyo maamulayaasha Degaammaduba ay ku cadaadinayeen Guddida Doorashooyinka Qaranka in qolo walba degaankooda loo badiyo. Waxa kale oo jirtay shaki laga qabay in awoodda dhaqaale iyo maamul ee loo hayo doorashooyinku aanay ahayn kuwo hanan kara iyo iyada oo Guddida Doorashooyinka Qaranka ay soo doorteen xibiyada tartarmayaa iyo xukuumaddu iyo xisbiga UDUB ee xukunka haya oo lagu eedaynayay inuu hantida qaranka ololaha doorashada ku gelayo.

Markii doorashadu soo dhawaatay waxa dawladda lagu eedeeyey mararka qaarkood in ay adeegsanayso hab-dhaqan aan dimuqraadi ahayn oo ay ku xakamaynayso xorriyadda hadalka iyo doodihii siyaasiga ahaa. In kasta oo ay isku raaceen UDUB, Kulmiye iyo UCID inay doorashada ku tartamaan kana qayb-galaan, haddana waxa wiiqay iyaga oo qaab maamulkoodu aanu aad u dhisnayn awood dhaqaalana aan lahayn. Waxa ka xoog batay saamayntii qabaa'ilka waaweyn, waxa laga baqay inay u suurto-geli weydo in ay u soo magaacaabaan dad ku habboon kuraasida Golaha Wakiillada.

Xidhiidhka wanaagsanaa ee uu Akaademigu la lahaa xisbiyada siyaasiga ah iyo madaxda Qaranka ayaa u suurt-geliyay in ay dhex-dhexaadiso xukuumadda, Golaha Wakiillada, axsaabta mucaaradka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Mudadii u-diyaar-garawga doorashooyinka, Golaha Wakiillada qudhiisa waxa ku soo baxsaday hawl weyn oo ahayd siday u ansixinayaan xeer doorasho oo lagu heshiis yahay saami-qaybsiga kuraasida iyada oo beel waliba ay danteeda gaar ah u ololeynayso, waxay ku ahayd arrintaasu mid aad u culays badan. Muddadadaa doorashada oo dhan waxay akaademiyaddu la lahayd xidhiidh wacan Guddi-Hoosaadyada u qaabbilsan Golaha Wakiillada curinta sharciga doorashada iyo waliba xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, iyaga oo ay Akaademiyaddu ku kaabayso aqoon farsamo joogto ah iyo taageero dhinaca taakulaynta ah. Akaademiyaddu waxa kale oo ay si gaar ah ula shaqaynaysay Guddida Doorashooyinka Qaranka iyada oo u hawl yaraynaysay helitaanka aqoon farsamo iyo taageero syaasadeed una samaysay xidhiidh si ay u helaan maal-gelin caalami ah. Ugu dambayntii guusha laga gaadhay habkan doorashadu wuxuu ku taxan yahay xidhiidhka xoogga leh ee ka dhexeeya Guddida Doorahsooyinka Qaranka, axsaabta siyaasiga ah iyo taageerada Akaademiga. Waxa kale oo door weyn ka qaatay rabitaankii dadweynaha ee ahaa in la helo doorasho nabad iyo sinnaan ku dhacda.


HAWL-GALLADA

Si looga taageero daneeyayaasha (stakeholders) doorashadu in ay isu yimaaddaan oo ay maaro u helaan murankooda iyo iska-soo-hor-jeedkooda, wuxu Akaademigu bilaabay kulammo xidhiidh ah oo kuwo rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahaynba leh, waab-hawleedyo (workshops) iyo doodo dadweyne siddeed iyo tobankii bilood ee ka horreeyay doorashada. Ilaa iyo sannadkii 2001dii wuxu Akaademigu qabanqaabinayay madal-doodeed (Forum) bishiiba mar la qabto oo ku saabsan marxaladaha siyaasadeed iyo arrimihii kale ee lagama maarmaan loo arko in laga doodo, doodahaasi oo loogu wan-qalay "Madasha Doodda Madaniga ah" (Forum for Civic Dialogue).

Haddaba markii Golaha Wakiilladu ansixiyeen xeer doorasho oo muran dhaliyey oo suul-daarayay qabsoomiddii doorashada lagu talo-galay bishii January 2005tii, waxay Akaademigu qabtay dood kulul oo ay ka hadleen siyaasiyiin kala duwani iyagoo giddigood ku eedeeyey xubnaha Golaha Wakiillada in ay ka soo hor-jeedaan oo ay hakinayaan qabashada doorashada, dooddaas oo ku qasabtay in ay beddelaan aragtidii hore oo lagu guuleysto dabadeed in xeerkii oo wax laga beddelo ay ansixiyaan bishii Abril 2005tii, Xeerkaas oo waddada u xaadhay qabashadii doorashada.

Waxa kale oo uu Akaademigu marti-geliyay laba doodood oo kale oo ku saabsanaa arrimo xaasaasi ah oo kala ahaa: saamiga beelaha ee Golaha Wakiillada iyo isu-dheeli tirkooda iyo dumarka oo laga reebay magacaabiddii musharraxiinta ee xisbiyadu soo bandhigeen. Intii u dhexaysay bishii Maarj iyo Juulay ee sannadkii 2005tii, waxay marti-gelisay toddoba waab-hawleed (workshops) oo ay ka soo qayb galeen daneeyayaasha oo dhami: xukuumadda, Golaha Wakiillada, Guddida Doorashooyinka Qaranka, xisbiyada siyaasiga, madax dhaqameedyada, ururrada bulshada iyo warbaahintu si ay uga yeeshaan talo-wadaag oo ay barbar-dhig u sameeyaan mudnaanta hawlaha doorashada, halkaana ay ka soo baxdo waddo la wada raacaa. Waab-hawleedyadaa shaqo waxa lagaga dooday oo la isku raacay buug gacmeedka cod-bixinta laga barto oo af-soomaali ku qoran (Voter Manual Handbook) iyo anshaxa hab-dhaqanka warbaahinta (Media Code of Conduct) oo xukumaya dhaqanka warbaahinta marka doorashada lagu jiro. Waxa kale oo lagu soo qaaday kulammadaa siyaabaha loo ballaadhinayo kaalinta ururrada bulshadu ay ka qaadanayaan doorashada iyo sida loo tababarayo musharraxiinta u sharraxan Golaha Wakiillada.

Waxa kale oo uu Akaademigu ku guuleystay in uu marti-geliyo oo habeeyo kulammo wada-tashi oo ay isku arkeen xubno ka tirsan Xukuumadda, Golaha Wakiillada, Hoggaamiyayaasha Xisbiyada, madaxda Ururrada Rayidka ah iyo Hay'ado caalamiya si ay uga qayb-qaataan sidii loo furdaamin lahaa qodobbada xaasaasiga ah ee la isku hayay; kaas oo uu ugu darnaa saami-qaybsiga kuraasidu. Dooddaa iyo murankaasi waxay socdeen ilaa iyo intii ay cod-bixintu dhacaysay. Bishii Meey 2005tii markii Golaha Wakiilladu ansixiyeen Xeerkii Doorashada isla markaana la soo xasiliyay kharashkii ku bixi lahaa doorashada oo maal-gelin loo helay, Akaademiyaddu waxay ku dhaqaaqday in ay marti-geliso wada-hadallo kooban oo ka dhexeeya axsaabta siyaasiga ah, Guddid Doorashooyinka Qaranka, xubno Xukuumadda ka mid ah iyaga oo ka dooday sidii loo curin lahaa anshaxa hab-dhaqanka axsaabta siyaasiga ah ee ololaha doorashada iyo sidii xal loogu heli lahaa degaammada aanay cod-bixintu ka dhacayn xaaladaha ka aloosan awgood ee Gobolka Sool iyo qayb ka mid ah Sanaag. Wada-tashigaasi wuxu furdaamiyay murankii siyaasiga ahaa wuxuuna fududeeyey jawigii siyaasadeed markii doorashda loo diyaar-garoobayey.

Akaademiyadda oo ku caan-baxdey dhex-dhexaadnimo waxay dhalisay in ay noqoto madal dhex-dhexaad ah oo xalaal ah oo loo soo mariyo deeqda la siinayo Guddida Doorashooyinka Qaranka ee qabashada doorashada loogu talo galay. Farsamo ahaan, Akaademiyaddu waxay kaalin lama-illaawaan ah ka qaadatay dhowr meelood oo xaasaasi ah oo ku taxnaa ama la xidhiidhay diyaar-garowgii doorashooyinka. Dhowrkaa meelood waxa ka mid ahaa aqoonyahan xagga sharciga ah oo caan ah oo kala talinayay Golaha Wakiillada sidii ay u curin lahaayeen Xeer Doorasho iyo la-taliye ka taageerayey ururrada warbaahinta sidii ay u curin lahaayeen anshaxa hab-dhaqanka ay ku dhaqmayaan. Waxa kale oo ay Akaademiyaddu u qabatay waab-hawleedyo (workshops) kala duwan xisbiyada siyaasiga ah iyo musharaxiintooda Gobollada dalka. Waxay Akaademiyaddu qaban-qaabisay laba ergo-nabadeed (Peace Missions) oo loo kala diray magaalada Ceeri-gaabo ee Gobolka Sanaag iyo Woqooyiga Hargeysa, si ay ugu qanciyaan hoggaamiyayaasha degaammadaa iyo Beelaha deggenba in ay ka qayb-galaan doorashda kuwaas oo hore u soo saaray baaqyo ay kaga hor jeedaan doorashooyinka iyaga oo tabasho sheeganayay. Qaybta Filimmada ee Akaademiyadda ayaa ka soo qaaday sawirro iyo filimmoba wixii dhacdooyin ah ee la xidhiidhay doorashada si ay ugu baahiyaan farriimaha ku saabsan horumarinta siyaasada iyo kor-u-qaadidda aqoonta cod-bixinta ee dadweynaha Somaliland.

GUULIHII LA GAADHAY

Waxay Akaademiyaddu (APD) mar walba daba-joogtay oo ay dhex-dhexaadinaysay daneeyayaasha doorashada iyada oo badhi-taaraysay habka doorashada. Akaademiyaddu waxay qaban-qaabisay doodo furan oo dadweyne oo lagaga hadlayo doorashada iyo kulammo dadban oo madaxda sare ee dalka iyo axsaabtaba lala yeelanayo. Guulaha u waaweynaa ee xaasaasiga ah waxa la gaadhay intii u dhexaysay bishii Abril 2004tii iyo muddadii doorashada ka dambaysay, iyadoo la kaashanayo mashruucii Doodda Nabadeed. Guulahaasina waxa ka mid ahaa ahaa:

  • Maareyntii Saami-qaybsiga Kuraasida: kulan qaatay muddo toddobaad ah oo ay marti-gelisay Akaademiyaddu oo ka dhexeeyay Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo axsaabta siyaasiga ah bishii February 2005tii ayaa wuxuu dhaliyay in la isku af-garto wax-ka-beddelka saami-qaybsigii kuraasida ee ku saleysnaa doorashadii 1960kii kaas oo kuraasida loogu qaybiyay Gobollada iyada oo la raacayo siday u kala dad badan yihiin iyo arrimo siyaasadeed oo kale. Wax-ka-beddelkaas ayaa keenay in lagu guuleysto arrintaa muranka kululi ka taagnaa.
  • Ansixintii Xeerka Doorashada: Mashruucii Xeerka Doorashada waxa muddo isu soo gudbinayay Golaha Wakiillada, Maxkamada Dastuuriga ah iyo Madaxweynaha. Haseyeeshee, bishii Abril 2005tii ayaa Golaha Wakiilladu ansixiyay mashruuciii sharciga doorashda isaga oo la kaashanaya La-taliyihii xagga sharciga ee Akaademiyaddu u keentay Golaha Wakiillada inuu aqoon ku kordhiyo. Ansixintii Xeerka Doorashadu waxay waddada u xaadhay sidii doorashada Golaha Wakiilladu u qabsoomi lahayd.
  • Raadinta Taageero Dibadeed: Warbixintii uu soo saaray La-taliyihii xagga sharciga ee Akaademiyaddu u keentay Golaha Wakiilladu waxay xiiso badan ku dhalisay Hay'adaha Caalamiga ah kuwaas oo taageero ugu yaboohay qabashada doorashada Golaha wakiillada. Deeqdaasi oo la soo mariyay WSP oo ay Akaademiyadda is-bahaystaan, waxay WSP u soo dejisay barnaamij rasmi ah iyo qaabka miisaaniyadda lagu maal-gelinayo doorashada. Akaademiyadduna waxay samaysay barnaamij lagu hubinayo in kharashka si cad oo aan qarsoonayn loo gaadhsiiyo Guddida Doorashooyinka Qaranka. Waxay Akaademiyadda iyo WSP abaabuleen in wefti deeq-bixiyayaasha ka socdaa ay soo booqdaan Somaliland si ay u kormeeraan xog kalsooni ay ku kasbadaanna uga helaan diyaar-garowga loo sameeyay doorashada bisha Ogos 2005tii.
  • Dejinta Anshaxa Hab-dhaqanka: Akaademiyaddu waxay qaban-qaabisay wada- tashi muddo dheer socday oo lagu soo saaray anshaxa hab-dhaqanka ee lagu qabanayo doorashooyinka oo u gaar ah axsaabta siyaasiga ah oo jideynayay in la dhiso Guddi madax-banaan oo u kuur-gasha doorashada iyo in wakhti isku mid ah la siiyo axsaabta xagga warbaahinta Qaranka iyo kaltan loo sameeyo bannaan-baxyada axsaabta. Ka labaadna wuxuu ahaa anshaxa warbaahinta maxalliga ah muddada doorashada si loo hubiyo warbaahin dhex-dhexaad ah oo dhab ah oo is-le'eg marka wararka doorashada wax laga qorayo ama laga hadlayo.
  • Kormeerka iyo Tababarka: Iyada oo la tix-gelinayo hawlihii mudnaanta lahaa ee ay Akaademiyaddu ka qabatay doorashooyinkii hore kuwaas oo ay magac ku heshay, waxa lagu marti-qaaday in uu goob-joog ka ahaado marka Guddida doorashooyinka Qaranku xulanayaan sarakiisha maamuli doonta xafiisyada Guddida Doorashada ee Gobollada iyo Degmooyinka. Markii xulashadaasi dhammaatay waxay Guddida Doorashooyinka Qaranku weydiisatay Akaademiyadda in ay u qabato lix waab-hawleed (workshops) oo lixda Gobol ah oo lagu tababarayo saraakiisha Xeerka Doorashada iyo anshaxa hab-dhaqanka axsaabta siyaasadda, tababarkaa waxa loo qabtay 150 musharrax iyo saraakiishii xafiisayada doorashooyinka.
  • Barashada hab-dhaqanka Suubban(Civic Education): Waxay Akaademiyaddu qabatay laba waab-hawleed oo mid Hargeysa ka dhacay midna Boorama, si kor loogu qaado garaadka dadweynaha iyo aqoontooda la xidhiidha doorashooyinka, macluumaadkaasi oo lagu soo saaray buug-gacmeed af-soomaali ku qoran oo cod-bixiyaha wax lagu barayo kaas oo lagu soo ururiyay warar ku saabsan kaalinta ay kala leeyihiin Daneeyayaasha kala duwan marka doorashadu dhacayso, xuquuqda muwaaddinka, habka cod-bixinta iyo doorashada guud ahaanba.


WAAYO-ARAGNIMADII LAGA KASBADAY DOORASHOOYINKA IYO
TALO-BIXIN

Gedaanka Barnaamajka Doodda Nabadeed wuxu is-bahaysiga APD/WSP siiyay madal dhex-dhexaad ah oo ay taagero loo siman yahay oo aan dhinacna u xaglin ku taakuleeyaan geeddi-socodka doorashada iyaga oo aan ka muuqan lana tartamayn maamulka iyo Dawladda. Taasi waxay u oggolaatay Akaademiyadda in ay wax la qabato Guddida Doorashooyinka Qaranka baahidoodii xagga dhaqaalaha iyo taakulaynta iyada oo siinaysa kalsooni weyn deeq-bixiyayaasha dhinaca xisaabaadka iyo hawlaha lacagta la xidhiidha.. Is-bahaysiga APD/WSP waxay diyaariyeen oo ay abuureen koox maamusha mashruuca (Project Management Team), kooxdaas oo ka kooban afar khabiir oo ajnebi ah oo ka hawl-gala xafiiska Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Kooxdaas iyo shaqaale Somaliland ah oo kaalinayay, waxay ahaayeen kuwo taageeraya oo dhirri-gelinaya Guddida Doorashooyinka Qaranka ee marnaba ma ahayn kuwo u yeedhinaya, talada ay siinayeenna waxay ahayd mid la socota duruufaha Somaliland ka jira. Inkasta oo dalku ku guulaystay inuu qabto doorashooyin dhaqaale yar oo ah guud
ahaan 2.7 US milyan doollar, waxa haddana caddaatay aqoonsi-la'aanta dawladda haysataa inay carqalad weyn ku tahay oo ay ka xaaraamaysay in ay hesho taageero toos ah oo ay ku dhisato hay'adaha dawladnimo iyo horumarinta dimuqraadiyadda. Iyada oo la tix-gelinayo waayaha ku xeeran xukuumada iyo hay'adaheeda, waxa lagu tilmaami karaa doorashadii ku qabsoontay sida nabadgalyada ah iyo go'aammadii ka soo baxay ee caddaa ee aan mugdigu ku jrin in ay tahay guul weyn oo la gaadhay. Ugu dambayntii guushan la gaadhay waxay ka timi dhex-dhexaadnimadii ay hawsha u fulisay Guddida Doorashooyinka Qaranku iyo taageeradii lama illaawaanka ahayd ee ay siiyeen axsaabta siyaasiga ahi, taageeradii Akaademiyadda iyo shacbiga Somaliland oo ay ka go'nayd una heellanaa in ay qabsoonto doorasho xor ah oo nabad ah oo loo siman yahay.

Doorashada ka dib qiimayn ay samaysay Akaademiyaddu iyo kooxdii ka socotay WSP ee mashruuca doorashada maamulayay waxa ka soo baxay saddex arrimood oo muhiim ah oo raad ku yeelan doona ayaaha dimuqraadiyaynta siyaasadda Somaliland:

  1. In la helo hab dimuqraaddi ah oo la isla gartay oo lagu doorto Golaha Guurtida,

  2. Soo-saaridda Xeer-doorasho oo keliya oo midaysan oo lagu dhaqmo doorashooyinka mustaqbalka,
  3. In dib-u-eegid lagu sameeyo Qodobbada muranku ku jiro ee Dastuuka Qaranka oo uu ka mid yahay qodobka xadaynaya tirada axsaabta siyaasiga ah.

Marka laga yimaaddo qabashada doorashooyinka waxa cad in haddii la rabo in Somaliland u digo-rogato nidaam deggan oo dimuqraadiyad ku dhisan kuna shaqaynaya, waxa loo baahan yahay in arrimo kale oo aasaasi ah la horumariyo waxna laga qabto. Arrimahaa waxa ka mid ah: dhalan-rogidda hay'adaha dawladda, awoodda xukunka oo la daaddejiyo lana baahiyo iyo bulshada oo lagu ababiyo sidii dhidibbada loogu aasi lahaa dhaqan ku dhisan dimuqraadiyadda oo mustaqbalka dheer loogu talo-galay. Waxase wakhtiga dhaw deg-deg loogu baahan yahay in la dhiso hay'ado dimuqraadiya iyadoo la qaadayo tallaabooyin wax lagaga beddelayo Dastuurka Qaranka, sharciyada lagu dhaqmo, habka maamulka, si wax loogu dhiso oo wax looga faa'iidaysto guulihii laga gaadhay dhinaca dimuqraadiyadda doorashooyinkii dhawaa.

» Executive Summary (english)
» Full Report (english, 2,5 MB)    

» Home