Hordhac

Boob iyo Bursi ku doorso Nabad iyo Badhaadhe

Xallinta khilaafaadka ka dhasha Kheyraadka Dabiiciga ah ee Somaliland

Kadib markii ay dhulka soomaaliyeed ka dhacday burubur siyaasadeed, habka dhul yeelashada dalka Somaliland waxuxuu ku suganyahay kala-daadsanaan fool-xun. Sanado badan oo dagaal sokeeye naafeeyey hab-dhaqankii lagu maamuli jirey dhulka laguna xallin jirey iskahorimaadyada, dalka curdinka ah ee Somaliland uma suura gelin waxka bedelka ama soo celinta hababkii dhaqan, isla markaana saboolnimo ayaa sii baahday. Saddexdaa arrimood oo wada jira ayaa furey albaabada u beretanka ballaadhan ee dadweynaha ee lakala boobayo khayraadkii dabiiciga ahaa taasina halis ku tahay ummadda reer Somaliland, degaankooda, horumarkooda dhaqaale iyo hirgelinta nabad waarta.

Dhul beerashadu, roob iyo waraab, ha ahaato midho ama baad xooluhu cunaane, waxay si tartiib-tartiib ah ugu baahaysaa dhul daaqsimeedkii xoolaha.Bulshada qorbajooga ah ee dalka kusoo noqday oo u hamuun qaba dhul beerista iyo ganacsiga la xhidhiidha ayaa si xoog u wada dhul qabsiga, isla markaana reer guuraagii ku caydhoobay dagaaladii ayaa iyana beero falasho miciinsaday ama naïf u geysay. Makuu sii kordhay baahinta beeraha ee miyiguba waxaa hirdan ka dhacaa beeralayda cusub iyo reerguraaga iskaga horimanaya dhulka iyo biyahaba. Burburkii ku dhacay dhaqaalaha miyiga oo ay keentay dagaaladii, abaaraha iyo xayiraada xoolaha lagusoo rogey, waxay bulshda ku kelliftey ficillo ay naftooda ku badbaadiyaan. Dhirtii dalka , oo ah meelaha hadhanaa khayraadka Somaliland ee la adeegsan lahaa, waxay iminka muteen xawli dabargoyn iyo xasuuq ah oo ah godin iyo dhuxul loo gubo.

Hab-dhaqabkii lagu xallin jirey khilaafaadka ee Somaliland markasta marka ka dambeysa wuu u qiil waayayaa duruufaha soo baxay.Iska-hormaadyadu way fara bateen, noocyo badan u kala baxeen, sii murgeen, kana gudbeen soohdintii qolanimo ama qabiilnimo ee faragelinta dhaqanku ku salaysnaa.

Somaliland waxa ka buuxa hubka fudud, meelaha qaarna dhallinyaro aan shaqo ay ku foofaan haysan ayaa laga helaa oo u diyaar ah in halgal kasta loo adeegsan karo. Dagaal kastaa waxuu markiiba isu bedelaa aar-goosiyo aan dhamaan ayadoo helitaanka hubka dilaaga ahina iyo tamarta hooseysa ee booliskuna gacan ka gaysato. Ciidamada dawladdu way tayo liitaan, dhaqaale liitaan mana sareeyo dhisibliinkoodu.

Dhibaatooyinkaa laxaadka leh ayaa ku kellifay Akedamiga Nabadda iyo Horumarka(APD) oo la kaashanaysa WSP International, si'ay uga caawiso machadyada dawladda Somaliland abuurista nidaam siyaasadeed iyo shuruuc wax lagaga qabto sababaha gundhigga u ah isk-horimaadyada, hagaajinta maamulka khayraadka dabiiciga ah isla markaana la adkeeyo nabadda gobolka.

Ayadoo laga ambaqaadayo habka baarista wada-tashiga ku dhisan, waxaa mashruucu isku dayey gaarahaan si meel laysugu keeno daneeyayaashasiay uga doodaan, falnqeeyaan ugana baaraandegaan iska-horimaadyada ka dhaca khayraadka dabiiciga ah si loo sameeyo qorshe sugan oo tilmaama waxka qabashadooda si loo abuuro waxqabad dib u celiya burburka degaanka iyo bulshadaba ku dhacay.

Shir qaran (NPG) oo lagu qabtay Hargeisa Nonember 2004 - oo ahaa shirkii ugu horeeyey aqqon-isweydaarsiyo xidhiidh ah oo ku saabsan iska-horimaadyada khayraadka dabiiciga ee Somaliland - madaxda taladu ka go'do, xeel dheerayaasha, khabiirada iyo rayidka iyo hoggaamiyayaasha dhaqanka ayaa isku yimi si u lafaguraan sababaha keena iskahorimaadyada gaarahaanna kuwa dhuxusha si loo baadigoobo helista xal waara.


Arrimaha saldhigga ah

Suaasha ugu horreysa ee lays weydiiyo marka qorshe la samaynayo, ama siyaasad la jeexayo ama xeer nidaamiye la samaynayo lagu maamulo khayraadka dabiiciga ah waa: Yaa gacanta ku haya khayraadkaa? Intii ka horreysay dagaalkii sokeeye, awooda isticmaalka iyo lahaanshaha khayraadka dabiiciga ah waxay gacanta ugu jirtey, dawladii hore, haba ahaato mid aan dimuqraadi ahayn oo awood dhexe oo cadaalad ku dhisnayn.Kadib markii ay burburtay dawladdii Siad Barre 1991 soona baxday dawlad curdin ah, oo aan waayo aragnimo lahayn ee Somaliland, waxay xaaladu isu bedeshay si aad u liidata. Arrimaha sii kordhaya sida magaalawga, tuulooyinka, beero-xoolo dhaqasho isku dhafidda, xeryo oodashada ayaa dhamaantood ka qaybqaatey duulimaadka ku dhacay dhul daaqsimeedka iyo ka rajo beelka xoolo dhaqashadu ka joogto ku noqoshada qaabkii hore ee ay noolaan jireen.

Ma jirto siyaasad dawladeed iyo xeerar meel mar ah oo ku waajahan maamulka khayraadka dabiiciga ah isticmaalkiisa. Mana jiro barnaamajyo horumarineed oo ku jira dawladda Somaliland miisaaaniyadeeda. Qaybta ganacsiga gaarahaaneed ee dhaqaalaha ayaa isku dayey waxka qabashada kaalintaa banaanaatey, ayagoo maalgelin ku sameeyey waxbarashada, caafimaadka, isgaadhsiinta iyo baayac-mushtarka. Dawladdu way dhiirigelisaa dadaalkaas hase ahaatee ma kaalmayso xidhiidhintooda si loo kobciyo loogana dhigo waxqabakooda mid fiican loona dhigo miqyaas lagu cabbiro hawlahooda.

Oodashada Dhul-daaqsimeedka

Markuu sii batay xeryaha la ooto ee laga sameeyo dhuldaaqsimeedkii xoolaha iyo sii faafinta dhul beeristu ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn sababaha dhaliya iska-horimaadyada ee Somaliland.Galbeedka iyo Koonfur-galbeed ee Hargeysa, tusaale ahaan, reerguuraaga ka yimaada Degmada Alleybadey ee dhinaca Ethiopia suuragal uma aha inay ka helaan biyo baad dhinaca Somaliland ee ay hore u heli jireen kusii badashada xeryaha oodan iyo beeraha sii balaadhay awgood.Iska-horimaadyada halkaa ka dhacaana wuu badanyahay.

U gubista dhirta Dhuxul

Dhuxshu waa waxa kowaad ee ay tamar ka helaan 160,000 qoys ee reer Somaliland eek u nool magaalooyinka,oo wadar ahaan isticmaala 5 million oo jawaan sannad kasta. Dhirtu meel kasta oo degmo noqotay si la arki karo ayay hareeraheedu ayay ugasii durkaysaa. Soo saarista dhuxusha ayaa si laxaad leh u korodhay tan iyo intii la joojiyay dhoofkii xoolaha ayadoo xoola dhaqashadii saboolka noqotay ay ku kelliftey inay raadiyaan meelo kale oo ay dakhli ka helaan. Waxaa kasii daran dadkii ku noolaa miyiga, tuulooyinka gaarahaan, inay sii kordhayso isticmaalka dhuxusha sahlan ee guban og halkay ka isticmaali jireen xaabada. Dhoofinta dhuxushuna waa arrin kale oo aad halis ah, ayadoo sii baahisa macaash raadintii iyo baahidii, taasina keentay kooxaha dhuxulaysatadu adeegsadaan hub si ay u wataan hawshooda farogelin la'aan..Is ka horimaadyo dhiig ku daato ayaa marar badan lagu sheegaa warbaahinta.

Degaanka biyaha hareerihiisa

Biyuhu waa lagama-maarmaan nolosha reerguuraaaga marka baadigoob biyo ku jiraan, xuduudaha samayska ah 'artificial' ma tix-geliyaan markay baahi badan u qabaan. Markay jirto khayraad gabaabsi sii noqonayaa naftuna u baahantahay, in isku dhacyo dhexmaraan reer guuraaga iyo beeralayda marinada biyaha ootay.Ceelasha ama goobaha biyaha ayaa sii batay tan iyo xilligii Ingiriiska markii maamulkii gumeysigu ka qoday harooyin 1950kii xadka Ethiopia oo taasi bilawday samaysashada tuulooyin. Taasina keentay ciid-duleedka oo lunta, dhir xasuuq iyo nabaad guur sii faafa.. Baahidii biyuhuna way sii korodhay.Dhulka Somaliland oo leh dhul biyo yaraw ah oo nugul u beretanka khayraad sii yaraanayaa waxay keenaysaa baaba' ekolojiyo iyo dhaqaale.

Saaamaynta Nabadda

Ayadoo roobkii sii yaraaday ama noqday mid xilligiisa aan iman, guuristii xoolaha ayaa dhalinaysaa ka gudubka soohdimihii hore taasina dhalinayso isku-dhacyo dhex mara beelahii is barbaryaalay ee isu gudbey.Heerka sharci fulinta Somaliland oo weli curdin ah iyo kasoo bogsashada colaadihii beelaha dhex maray, muddo ayay iska-horimaadyada ka dhasha khayraadka dabiiciga ah ahaan doonaan xudunta laga alkumo dhismaha nabad waarta.

Talooyin furaha ah

Siyaasad Cad iyo Sharci: Reer guuraagu waxay u baahanyihiin socod aan xayinayn oo ay ku baadi goobtaan baahidooda biyood iyo baad; Korodhka tuulooyinku halis bay ku tahay sii wadida nolosha reer guuraanimo. Xaalada ay ku sugan tahay lahaanshaha dhulka Somaliland waxay u baahantahay faham qoto-dheer intaan laysku deyin abuurista xeerar ama siyaasad ka wada jawaabi karta lahaanshaha dhulka iyo isticmaalkiisu.

Dakhli nool: Noocyo badan oo dhir ah ayaa soo saara xabag iyo dhaacaan. Waxaana ka mid ah cadaada(Acacia Senega)hase ahaatee dadka reerguuraaga ah lama barin faaiidada ganacsi ee ay yeelan karto. Hadii wacyi gelin ballaadhan la sameeyo, dhirta nooli waxay noqon kartaa meel dakhli qiimo leh oo aan la wayin.

Isbahaysi Gobol: Ka ganacsiga dhuxushu waxuu marayaa meel fog oo aan sahlanayn oo lagama maarmaan ka dhigaysa wada hadal gobol iyo shuruuc la meel mariyo. Xurgufaha ka taagan soohdinta Somaliland la leedahay Puntland dhinaca bariga iyo Ethiopia dhinaca koonfurta waxay fufin karaan karaan isku dhacyo ama dagaalba. Dhinac waliba waa in faham isku mid ah laga gaadhaa dhibaatada si wada jir ahna xal loogu baadi goobaa.

Isticmaal lexe-jeclo ku dhisan: Farsamooyinka iminka jira sida isticmaalka girgirayaasha tamarta madhxiya iyo qalabka kale ee dhuxusha burburtay isu-keena, waxay wax badan ka tarayaan tashiilka dhuxusha iyo yaraynta baahida guud ee dhuxusha.

Bedelka Tamarta: Waxaajira dhawr badiil oo rajo leh oo dhuxusha lagaga maarmi karo oo ay ka mid tahay dhuxul dhagax dhulku qani ku yahay iyo ka faiidaysiga qoraxda iyo dabaysha. In ku dhaw 90% qoysaska magaalooyinka ku nool ayay dhuxushu u tahay tamartooda. Sidaas baanay ahaanasa ilaa inta qiiamaha badiilada sida 'Kerosene'ta iyo LPG ga laga dhigayo mid la beretemi kara dhuxusha qiimaha jaban, helitaankeedu yartahay eel eh qaab dhisan oo iibgeyn ah. Kuwaas waa in dhimaa cashuurtooda lana siiyaa garab gal kale korna loo qaadaa wacayiga dadweynaha. Dhuxul ka maaran muddada dhow ma dhici karo, balse badiiladu waxay dhimi karaan baaxadda dhuxusha la isticmaalo iyo dhibaatada degaanka loo geysanayo.

Ka qayb qaadashada Bulshadat: Dawlad itaal daran iyo shuruuc dhul oo isurinaya, ma suuragelinayso wax ka qabasho hufan hadaanay gacan ka geysan bulsho weyntu ilaa heer degmo. Guddiyadii Shaqo ee aqoon-isweydaarsiyadii ay APD qabatay ayaa lagsoo jeediyey tallooyin ah samaynta ururo heer degmo ama tuulo ah oo maamula ka faaiidaysiga dhul daaqsimeedka iyo dhirta, samaysa meelo kaydsan isla markaana fulisa mashaariic dib-dhir-u-beeris ah. Dawladdu waxay gacan ka geysan kartaa samaynta seerayaal qaran oo lagu ilaaliyo ugaadha iyo dhirta dabar go'aysa oo iminka halis ku jira una saran qarka in la waayo marka la eego ugaadhsiga iyo tuulooyinka sii kordhaya ee cidhib tirka ku haya.

Guusha iyo Duruusta la bartay

Wacyi gelin,dhiiri gelinta waxqabasho: Laba filim oo dokumantari ah ayaa sic el-celis ah looga sii daayay TVga wadaniga ah. Muuqaaladii naxdinta lahaa ee la arkay waxay dadweynaha iyo dawladaba ku baraarujiyeen halista baaxadda ganacsiga dhuxushu ku hayo degaanka. Arrintaa iyo kuwa kale ayaa loo aanayn karaa abuurista madaxweynaha ee Koox Hawleed oo talo kazoo bixisa dhibaatada iyo wixii xal noqon lahaa.

Baadigoobka xalal: Bandhig ay hoggaaminaysay APDdu, hayad samafal oo badanina ka qayb qaadatay sida Candle Light, ayaa lagusoo bandhigay badiilada loo dhaafi karo dhuxusha- isticmaalka girgirayaal madhxiya dhuxusha, farsamada gododka lagusoo saaro dhuxusha, koronto dhlin fudud oo dabaysha isticmaalaysa, farsamada cadceeda loo adeegsado, ayaa soo jiidatay keentayna iskaashi hayado, dawlad iyo ganacsatba,
xiisaha bulshada na kor u qaaday kana wacan siduu u fidin lahaa aqoon-is-weydaarisi la qabtaa..

Burburinta xayndaabyada: Ayadoo ay na dhiirigelisay hawlo hore ay qabteen, APD iyo NGO kale, Haqsoor, ayaa si wada jira ah ku guuleystay baabiinta xeryo la ootay oo ku yaal Borama , oo ka mid ah degaamada ugu ooda badan dalka Somaliland . Ka dib markii lala yeeshay wada tashi furan oo lagasoo qayb galay waxaa laysku raacay in xeryaha la baabiiyo. Inta badani waxay ku tabaruceen wakhtigooda iyo xoogooda. Waxaa la raaciyey samaynta guddiyo ka ilaaliya inaan dib loo oodan.

Awood-siinta Reer Guuraaga: Ayadoo la gerbiyo dadka reer guuraaga ah arrimo kasta oo siyaasad la xidhiidha waxaa mudan in kaqayb-gelin awwod siin ah inay noqoto mid mudnaanta kowaad la siiyo.Samaynta Forum cusub oo qaran iyo ururo heer hoose laga sameeyo oo degaan ayaa xudin u ah in la hanto ujeedadan. Arrintaasina waa inay isudheelitirtaa soo jeedinta degaanka iyo waxqabadka hayadaha caalamiga ah, ta dawliga ah ee ilaa heer degmo, gobol iyo heer qaran.

Gunaanad

Hadba marka Somaliland baahiday u qabto dhuxusha sii korodhaba, waa in mudnaanta la siiyo maamulka waari kara iyo isticmaalka khayraadka dhirta aynu ka helno tamarta, cuntada xoolaha iyo badbaadinta degaanka sida carro celinta, kala duwanaanta biyolajiyo iyo reebista Kaarboonka.Hawsha taagan ee ugu adagi waa isu-dheelitirka baahida loo qabo dhulka iyo khayraadka isla markaana laysu keeno kooxo kala duwan oo wadaaga dan isku mid ah: helitaanka xal dhab ah oo loo helo dhibaatada dhuxusha.

» Executive Summary in English

» Full Report (english, 2,9 MB)    

» Home