Hordhac
Boob iyo Bursi ku doorso Nabad iyo Badhaadhe
Xallinta khilaafaadka ka dhasha Kheyraadka
Dabiiciga ah ee Somaliland
Kadib markii ay dhulka soomaaliyeed ka dhacday burubur siyaasadeed,
habka dhul yeelashada dalka Somaliland waxuxuu ku suganyahay kala-daadsanaan
fool-xun. Sanado badan oo dagaal sokeeye naafeeyey hab-dhaqankii
lagu maamuli jirey dhulka laguna xallin jirey iskahorimaadyada,
dalka curdinka ah ee Somaliland uma suura gelin waxka bedelka ama
soo celinta hababkii dhaqan, isla markaana saboolnimo ayaa sii baahday.
Saddexdaa arrimood oo wada jira ayaa furey albaabada u beretanka
ballaadhan ee dadweynaha ee lakala boobayo khayraadkii dabiiciga
ahaa taasina halis ku tahay ummadda reer Somaliland, degaankooda,
horumarkooda dhaqaale iyo hirgelinta nabad waarta.
Dhul beerashadu, roob iyo waraab, ha ahaato midho ama baad xooluhu
cunaane, waxay si tartiib-tartiib ah ugu baahaysaa dhul daaqsimeedkii
xoolaha.Bulshada qorbajooga ah ee dalka kusoo noqday oo u hamuun
qaba dhul beerista iyo ganacsiga la xhidhiidha ayaa si xoog u wada
dhul qabsiga, isla markaana reer guuraagii ku caydhoobay dagaaladii
ayaa iyana beero falasho miciinsaday ama naïf u geysay. Makuu
sii kordhay baahinta beeraha ee miyiguba waxaa hirdan ka dhacaa
beeralayda cusub iyo reerguraaga iskaga horimanaya dhulka iyo biyahaba.
Burburkii ku dhacay dhaqaalaha miyiga oo ay keentay dagaaladii,
abaaraha iyo xayiraada xoolaha lagusoo rogey, waxay bulshda ku kelliftey
ficillo ay naftooda ku badbaadiyaan. Dhirtii dalka , oo ah meelaha
hadhanaa khayraadka Somaliland ee la adeegsan lahaa, waxay iminka
muteen xawli dabargoyn iyo xasuuq ah oo ah godin iyo dhuxul loo
gubo.
Hab-dhaqabkii lagu xallin jirey khilaafaadka ee Somaliland markasta
marka ka dambeysa wuu u qiil waayayaa duruufaha soo baxay.Iska-hormaadyadu
way fara bateen, noocyo badan u kala baxeen, sii murgeen, kana gudbeen
soohdintii qolanimo ama qabiilnimo ee faragelinta dhaqanku ku salaysnaa.
Somaliland waxa ka buuxa hubka fudud, meelaha qaarna dhallinyaro
aan shaqo ay ku foofaan haysan ayaa laga helaa oo u diyaar ah in
halgal kasta loo adeegsan karo. Dagaal kastaa waxuu markiiba isu
bedelaa aar-goosiyo aan dhamaan ayadoo helitaanka hubka dilaaga
ahina iyo tamarta hooseysa ee booliskuna gacan ka gaysato. Ciidamada
dawladdu way tayo liitaan, dhaqaale liitaan mana sareeyo dhisibliinkoodu.
Dhibaatooyinkaa laxaadka leh ayaa ku kellifay Akedamiga Nabadda
iyo Horumarka(APD) oo la kaashanaysa WSP International, si'ay uga
caawiso machadyada dawladda Somaliland abuurista nidaam siyaasadeed
iyo shuruuc wax lagaga qabto sababaha gundhigga u ah isk-horimaadyada,
hagaajinta maamulka khayraadka dabiiciga ah isla markaana la adkeeyo
nabadda gobolka.
Ayadoo laga ambaqaadayo habka baarista wada-tashiga ku dhisan,
waxaa mashruucu isku dayey gaarahaan si meel laysugu keeno daneeyayaashasiay
uga doodaan, falnqeeyaan ugana baaraandegaan iska-horimaadyada ka
dhaca khayraadka dabiiciga ah si loo sameeyo qorshe sugan oo tilmaama
waxka qabashadooda si loo abuuro waxqabad dib u celiya burburka
degaanka iyo bulshadaba ku dhacay.
Shir qaran (NPG) oo lagu qabtay Hargeisa Nonember 2004 - oo ahaa
shirkii ugu horeeyey aqqon-isweydaarsiyo xidhiidh ah oo ku saabsan
iska-horimaadyada khayraadka dabiiciga ee Somaliland - madaxda taladu
ka go'do, xeel dheerayaasha, khabiirada iyo rayidka iyo hoggaamiyayaasha
dhaqanka ayaa isku yimi si u lafaguraan sababaha keena iskahorimaadyada
gaarahaanna kuwa dhuxusha si loo baadigoobo helista xal waara.

Arrimaha saldhigga ah
Suaasha ugu horreysa ee lays weydiiyo marka qorshe la samaynayo,
ama siyaasad la jeexayo ama xeer nidaamiye la samaynayo lagu maamulo
khayraadka dabiiciga ah waa: Yaa gacanta ku haya khayraadkaa? Intii
ka horreysay dagaalkii sokeeye, awooda isticmaalka iyo lahaanshaha
khayraadka dabiiciga ah waxay gacanta ugu jirtey, dawladii hore,
haba ahaato mid aan dimuqraadi ahayn oo awood dhexe oo cadaalad
ku dhisnayn.Kadib markii ay burburtay dawladdii Siad Barre 1991
soona baxday dawlad curdin ah, oo aan waayo aragnimo lahayn ee Somaliland,
waxay xaaladu isu bedeshay si aad u liidata. Arrimaha sii kordhaya
sida magaalawga, tuulooyinka, beero-xoolo dhaqasho isku dhafidda,
xeryo oodashada ayaa dhamaantood ka qaybqaatey duulimaadka ku dhacay
dhul daaqsimeedka iyo ka rajo beelka xoolo dhaqashadu ka joogto
ku noqoshada qaabkii hore ee ay noolaan jireen.
Ma jirto siyaasad dawladeed iyo xeerar meel mar ah oo ku waajahan
maamulka khayraadka dabiiciga ah isticmaalkiisa. Mana jiro barnaamajyo
horumarineed oo ku jira dawladda Somaliland miisaaaniyadeeda. Qaybta
ganacsiga gaarahaaneed ee dhaqaalaha ayaa isku dayey waxka qabashada
kaalintaa banaanaatey, ayagoo maalgelin ku sameeyey waxbarashada,
caafimaadka, isgaadhsiinta iyo baayac-mushtarka. Dawladdu way dhiirigelisaa
dadaalkaas hase ahaatee ma kaalmayso xidhiidhintooda si loo kobciyo
loogana dhigo waxqabakooda mid fiican loona dhigo miqyaas lagu cabbiro
hawlahooda.
Oodashada Dhul-daaqsimeedka
Markuu sii batay xeryaha la ooto ee laga sameeyo dhuldaaqsimeedkii
xoolaha iyo sii faafinta dhul beeristu ayaa ka mid ah sababaha ugu
waaweyn sababaha dhaliya iska-horimaadyada ee Somaliland.Galbeedka
iyo Koonfur-galbeed ee Hargeysa, tusaale ahaan, reerguuraaga ka
yimaada Degmada Alleybadey ee dhinaca Ethiopia suuragal uma aha
inay ka helaan biyo baad dhinaca Somaliland ee ay hore u heli jireen
kusii badashada xeryaha oodan iyo beeraha sii balaadhay awgood.Iska-horimaadyada
halkaa ka dhacaana wuu badanyahay.
U gubista dhirta Dhuxul
Dhuxshu waa waxa kowaad ee ay tamar ka helaan 160,000 qoys ee reer
Somaliland eek u nool magaalooyinka,oo wadar ahaan isticmaala 5
million oo jawaan sannad kasta. Dhirtu meel kasta oo degmo noqotay
si la arki karo ayay hareeraheedu ayay ugasii durkaysaa. Soo saarista
dhuxusha ayaa si laxaad leh u korodhay tan iyo intii la joojiyay
dhoofkii xoolaha ayadoo xoola dhaqashadii saboolka noqotay ay ku
kelliftey inay raadiyaan meelo kale oo ay dakhli ka helaan. Waxaa
kasii daran dadkii ku noolaa miyiga, tuulooyinka gaarahaan, inay
sii kordhayso isticmaalka dhuxusha sahlan ee guban og halkay ka
isticmaali jireen xaabada. Dhoofinta dhuxushuna waa arrin kale oo
aad halis ah, ayadoo sii baahisa macaash raadintii iyo baahidii,
taasina keentay kooxaha dhuxulaysatadu adeegsadaan hub si ay u wataan
hawshooda farogelin la'aan..Is ka horimaadyo dhiig ku daato ayaa
marar badan lagu sheegaa warbaahinta.
Degaanka biyaha hareerihiisa
Biyuhu waa lagama-maarmaan nolosha reerguuraaaga marka baadigoob
biyo ku jiraan, xuduudaha samayska ah 'artificial' ma tix-geliyaan
markay baahi badan u qabaan. Markay jirto khayraad gabaabsi sii
noqonayaa naftuna u baahantahay, in isku dhacyo dhexmaraan reer
guuraaga iyo beeralayda marinada biyaha ootay.Ceelasha ama goobaha
biyaha ayaa sii batay tan iyo xilligii Ingiriiska markii maamulkii
gumeysigu ka qoday harooyin 1950kii xadka Ethiopia oo taasi bilawday
samaysashada tuulooyin. Taasina keentay ciid-duleedka oo lunta,
dhir xasuuq iyo nabaad guur sii faafa.. Baahidii biyuhuna way sii
korodhay.Dhulka Somaliland oo leh dhul biyo yaraw ah oo nugul u
beretanka khayraad sii yaraanayaa waxay keenaysaa baaba' ekolojiyo
iyo dhaqaale.
Saaamaynta Nabadda
Ayadoo roobkii sii yaraaday ama noqday mid xilligiisa aan iman,
guuristii xoolaha ayaa dhalinaysaa ka gudubka soohdimihii hore taasina
dhalinayso isku-dhacyo dhex mara beelahii is barbaryaalay ee isu
gudbey.Heerka sharci fulinta Somaliland oo weli curdin ah iyo kasoo
bogsashada colaadihii beelaha dhex maray, muddo ayay iska-horimaadyada
ka dhasha khayraadka dabiiciga ah ahaan doonaan xudunta laga alkumo
dhismaha nabad waarta.

Talooyin furaha ah
Siyaasad Cad iyo Sharci: Reer guuraagu waxay u baahanyihiin
socod aan xayinayn oo ay ku baadi goobtaan baahidooda biyood iyo
baad; Korodhka tuulooyinku halis bay ku tahay sii wadida nolosha
reer guuraanimo. Xaalada ay ku sugan tahay lahaanshaha dhulka Somaliland
waxay u baahantahay faham qoto-dheer intaan laysku deyin abuurista
xeerar ama siyaasad ka wada jawaabi karta lahaanshaha dhulka iyo
isticmaalkiisu.
Dakhli nool: Noocyo badan oo dhir ah ayaa soo saara xabag
iyo dhaacaan. Waxaana ka mid ah cadaada(Acacia Senega)hase ahaatee
dadka reerguuraaga ah lama barin faaiidada ganacsi ee ay yeelan
karto. Hadii wacyi gelin ballaadhan la sameeyo, dhirta nooli waxay
noqon kartaa meel dakhli qiimo leh oo aan la wayin.
Isbahaysi Gobol: Ka ganacsiga dhuxushu waxuu marayaa meel
fog oo aan sahlanayn oo lagama maarmaan ka dhigaysa wada hadal gobol
iyo shuruuc la meel mariyo. Xurgufaha ka taagan soohdinta Somaliland
la leedahay Puntland dhinaca bariga iyo Ethiopia dhinaca koonfurta
waxay fufin karaan karaan isku dhacyo ama dagaalba. Dhinac waliba
waa in faham isku mid ah laga gaadhaa dhibaatada si wada jir ahna
xal loogu baadi goobaa.
Isticmaal lexe-jeclo ku dhisan: Farsamooyinka iminka jira
sida isticmaalka girgirayaasha tamarta madhxiya iyo qalabka kale
ee dhuxusha burburtay isu-keena, waxay wax badan ka tarayaan tashiilka
dhuxusha iyo yaraynta baahida guud ee dhuxusha.
Bedelka Tamarta: Waxaajira dhawr badiil oo rajo leh oo dhuxusha
lagaga maarmi karo oo ay ka mid tahay dhuxul dhagax dhulku qani
ku yahay iyo ka faiidaysiga qoraxda iyo dabaysha. In ku dhaw 90%
qoysaska magaalooyinka ku nool ayay dhuxushu u tahay tamartooda.
Sidaas baanay ahaanasa ilaa inta qiiamaha badiilada sida 'Kerosene'ta
iyo LPG ga laga dhigayo mid la beretemi kara dhuxusha qiimaha jaban,
helitaankeedu yartahay eel eh qaab dhisan oo iibgeyn ah. Kuwaas
waa in dhimaa cashuurtooda lana siiyaa garab gal kale korna loo
qaadaa wacayiga dadweynaha. Dhuxul ka maaran muddada dhow ma dhici
karo, balse badiiladu waxay dhimi karaan baaxadda dhuxusha la isticmaalo
iyo dhibaatada degaanka loo geysanayo.
Ka qayb qaadashada Bulshadat: Dawlad itaal daran iyo shuruuc
dhul oo isurinaya, ma suuragelinayso wax ka qabasho hufan hadaanay
gacan ka geysan bulsho weyntu ilaa heer degmo. Guddiyadii Shaqo
ee aqoon-isweydaarsiyadii ay APD qabatay ayaa lagsoo jeediyey tallooyin
ah samaynta ururo heer degmo ama tuulo ah oo maamula ka faaiidaysiga
dhul daaqsimeedka iyo dhirta, samaysa meelo kaydsan isla markaana
fulisa mashaariic dib-dhir-u-beeris ah. Dawladdu waxay gacan ka
geysan kartaa samaynta seerayaal qaran oo lagu ilaaliyo ugaadha
iyo dhirta dabar go'aysa oo iminka halis ku jira una saran qarka
in la waayo marka la eego ugaadhsiga iyo tuulooyinka sii kordhaya
ee cidhib tirka ku haya.

Guusha iyo Duruusta la bartay
Wacyi gelin,dhiiri gelinta waxqabasho: Laba filim oo dokumantari
ah ayaa sic el-celis ah looga sii daayay TVga wadaniga ah. Muuqaaladii
naxdinta lahaa ee la arkay waxay dadweynaha iyo dawladaba ku baraarujiyeen
halista baaxadda ganacsiga dhuxushu ku hayo degaanka. Arrintaa iyo
kuwa kale ayaa loo aanayn karaa abuurista madaxweynaha ee Koox Hawleed
oo talo kazoo bixisa dhibaatada iyo wixii xal noqon lahaa.
Baadigoobka xalal: Bandhig ay hoggaaminaysay APDdu, hayad
samafal oo badanina ka qayb qaadatay sida Candle Light, ayaa lagusoo
bandhigay badiilada loo dhaafi karo dhuxusha- isticmaalka girgirayaal
madhxiya dhuxusha, farsamada gododka lagusoo saaro dhuxusha, koronto
dhlin fudud oo dabaysha isticmaalaysa, farsamada cadceeda loo adeegsado,
ayaa soo jiidatay keentayna iskaashi hayado, dawlad iyo ganacsatba,
xiisaha bulshada na kor u qaaday kana wacan siduu u fidin lahaa
aqoon-is-weydaarisi la qabtaa..
Burburinta xayndaabyada: Ayadoo ay na dhiirigelisay hawlo
hore ay qabteen, APD iyo NGO kale, Haqsoor, ayaa si wada jira ah
ku guuleystay baabiinta xeryo la ootay oo ku yaal Borama , oo ka
mid ah degaamada ugu ooda badan dalka Somaliland . Ka dib markii
lala yeeshay wada tashi furan oo lagasoo qayb galay waxaa laysku
raacay in xeryaha la baabiiyo. Inta badani waxay ku tabaruceen wakhtigooda
iyo xoogooda. Waxaa la raaciyey samaynta guddiyo ka ilaaliya inaan
dib loo oodan.
Awood-siinta Reer Guuraaga: Ayadoo la gerbiyo dadka reer
guuraaga ah arrimo kasta oo siyaasad la xidhiidha waxaa mudan in
kaqayb-gelin awwod siin ah inay noqoto mid mudnaanta kowaad la siiyo.Samaynta
Forum cusub oo qaran iyo ururo heer hoose laga sameeyo oo degaan
ayaa xudin u ah in la hanto ujeedadan. Arrintaasina waa inay isudheelitirtaa
soo jeedinta degaanka iyo waxqabadka hayadaha caalamiga ah, ta dawliga
ah ee ilaa heer degmo, gobol iyo heer qaran.

Gunaanad
Hadba marka Somaliland baahiday u qabto dhuxusha sii korodhaba,
waa in mudnaanta la siiyo maamulka waari kara iyo isticmaalka khayraadka
dhirta aynu ka helno tamarta, cuntada xoolaha iyo badbaadinta degaanka
sida carro celinta, kala duwanaanta biyolajiyo iyo reebista Kaarboonka.Hawsha
taagan ee ugu adagi waa isu-dheelitirka baahida loo qabo dhulka
iyo khayraadka isla markaana laysu keeno kooxo kala duwan oo wadaaga
dan isku mid ah: helitaanka xal dhab ah oo loo helo dhibaatada dhuxusha.
» Executive Summary in
English
» Full Report (english,
2,9 MB) 
» Home

|