Bayaan Saxaafadeed 11.11.2006
Salaasada oo ay bishan Noofambar tahay 14, 2006da, in ka badan
boqol qof ayaa ka qayb-geli doonta Shirweyne uu qaban-qaabinayo
Akaademigu oo lagu soo af-jarayo laba sannadood oo cilmi-baadhis
ahaa.
Bishii Noofambar 2004tii, Akaademiga Nabadda iyo Horumarku wuxu
ku qabtay Ambassador Hotel Shirweynihii Koox-hawleedka Qaran ee
Akaademiga oo ay ka soo qayb-galeen ergooyin boqol ku dhow oo ka
kala socday: Hay'adaha Dawladda, Golayaasha Qaranka, Xisbiyada Siyaasadeed,
Komishanka Qaranka, bulshada rayidka ah iyo Gobollada dalka. Waxa
kale oo ka soo qayb-galay hay'ado iyo ururro caalamiya oo ay ugu
mudnayd Hay'adda WSP oo immika la baxday Interpeace oo ah ta maal-gelisa
Akaademiga.
Shirweynahaas oo uu furay Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda
Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxu socday muddo laba maalmood
ah oo uu Akaademigu ku soo bandhigay qoraallo kooban oo ka hadlayay
cilmi-baadhis hordhac ahayd oo uu ka sameeyay mowduucyo saamayn
Qaran lahaa. Shirweynahaas markii mowduucyadaa la falanqeeyay, wuxu
Shirweynahaasi Akaademiga faray in uu cilmi-baadhis qoto dheer ku
sameeyo saddex mowduuc oo kala ahaa:
1. Doorashada Golaha Wakiillada,
2. Xiisadaha Kheyraadka dabiiciga ah,
3. Xukun-daaddejinta,

Akaademigu markii uu muddo laba sannadood ah ka hawl-galay saddexdaa
mowduuc ee kor ku xusan iyada oo is-kaashi lagala sameeyay: Xukuumadda,
Golayaasha qaranka, Xisbiyada Siyaasadda, Komishanka Qaranka, bulshada
rayidha ah, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka, Golayaasha Degaanka
iyo dhammaan daneeyayaasha wuxu ka soo saaray saddex qoraal iyo
saddex filim. Haddaba si dawlad iy dadweynaba loogu soo bandhigo
natiijooyinka ka soo baxay cilmi-baadhistaa qotoda dheerayd ee Akaademigu
waday muddada labada sannadood ah, waxa Ambassador Hotel lagu qaban
doonaa 14-15/11/2006 Shirweynihii 2aad ee Koox-hawleedka Qaran ee
lagu soo bandhigayay qoraalladaa iyo filimmadaa. Filimmadu waa lix,
saddex af-Soomaali ah iyo saddex af-Ingiriisi ah. Qoraalladuna
waa saddex af-Ingiiriisiya oo mid waliba leeyahay Guud-mar kooban
oo af-Soomaali ah. Boodhka, maamulka iyo hawl-wadeennada Akaademigu
waxay soo dhaweynayaan ka-qayb-galayaasha Shirweynaha iyaga oo u
mahad-naqaya dhammaan intii la soo hawl-gashay.
Akaademiga oo Interpeace kaashanaya, Cilimi-baadhistan waxa taakuleeyay
deeq-bixiyayaasha kala ah: Denmark, DfID (UK), Komishanka Yurub,
Finland, Italy, Norway, Sweden, Switzerland iyo USAID.
» Press Release in
English
» Home

|