Hawl-galo Ka Dhashay Wada Hadalada Dhalinyarada ee Degmooyinka
Hargeisa
Shir ay soo qabanqaabiyeen koox dhalinyaro ah oo
ka tirsan degmadda Maxamuud Haybe oo lagu kulansiinayay Mulkiilayaasha
warshadaha korontada iyo Guddida degmadda xaafadaas ayaa waxaa uu
ka dhacay Huteel Dalxiis ee magaalada Hargeisa 12kii bishan June.
Shirkan ayaa waxaa uu qayb ka yahay dadaalo iyo hawlo uu Akaademiga
uu la kaashanayo kooxo dhalinyaro oo shanta xaafadood ee magaalada
Hargeisa.
Shirkan oo looga hadlayay horumarinta Nabadgalyada xaafada Maxamuud
Haybe ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd sidii Mulkiilayaasha shirkadaha
laydhka xaafadu ay ugu tabaruci lahaayeen iftiiminta goobaha madow
ee ay adagtahay habeenkii in la maro.
Kulankan ayaa waxaa u qayb ka ahaa kulano xidhiidh ah oo looga hadlayay
horumarinta amaanka xaafada Maxamuud Haybe oo soconayay muddo.
Xoghayaha dawlada hoose ee Hargeisa, Maxamed Nuur oo shirkan ka
qayb galay ayaa amaanay hawsha horumarinta amniga xaafada Haybe.

Xoghayuhu waxaa u sheegay inay dhinacooga diyaar u yihiin garabna
taagan yihiin hawshaas iyo cida fulinaysaba.
Maxamed Nuur waxaa u ka codsaday mulkilayaasha Warshadlayda Xaafada
Maxamuud Haybe inay ku tabarucaan bixinta laydhka loo yaqaan Laydhka
amniga oo laga shido meelaha amaan darad looga cabsado in
habeenkii la maro.
Mulkilayaasha Warshadlayda laydhka xaafada Maxamuud Haybe ayaa
iyana ku balan qaaday in intii taagtooda ah, wallow ay jiraan bay
yidhaahdeen duruufo badan oo adag, inay hadana ku tabaruci doonan
laydhkaas, iftiiminna doonan goobaha laga codsaday.
Balse, waxay mulkilayaashu waxa ka cabteen in laambado badan ooh
ore ay ugu xidhiidheen meelo xaafadaas ka tirsan la jabiyay, marwalbana
la jabiyo, sidaa darted waxay Dawladda Hoose ka codsadeen in sameeyaan
boliis rondo oo habeen wareegta, sugtana amaanka lamabdahaas.
Gabogabadii, waxaa la isku afgartay in dawladda hoose ay soo cayinto
goobaha u baahan in lagu xidhidho nalalka amaanka, sidoo kalena
ay keenan xadhkaha iyo laambadaha galayaa.
»
Home

|